Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jubaland»BAYAAN: Beesha Harti oo kalsoonidii kala noqotay Gen. Darwiish [Qoraal & Saxiix]

    BAYAAN: Beesha Harti oo kalsoonidii kala noqotay Gen. Darwiish [Qoraal & Saxiix]

    February 8, 2016Updated:February 8, 20165 Mins Read Jubaland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beesha Harti ayaa qoraal ay soo saartay  ku sheegtay inay kalsoonida kala noqotay wasiirka arrimaha gudaha Jubba oo hadda sii haye ah kadib markii maamulkaasi uu yahay gole wasiiro la’aan muddo shan bilood ah, waxaana qoral aad u kulul oo beeshaasi ay u kala dirtay madaxweynaha iyo taliyeyaasha AMISOM ee Itoobiyaanka iyo Kenya ku caddeeyeen inay Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA


    KA: Odayaasha Dhaqanka Beesha HARTI/JUBALAND ee hoos ku saxiixan

    KU: Madaxweynaha DGS ee Jubaland

    OG: Beel-weynta HARTI

    OG: Xildhibaanada Barlamaanka Jubaland

    OG: Odayaasha dhaqanka Jubaland

    OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/KENYA ee Jubaland

    OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/ETHIOPIA ee Jubaland

    OG: Saxaafadda Madaxa Bannaan

    Kismaayo – 07/02/2016

    UJ: BEESHA HARTI/JUBALAND OO KALSOONIDA KALA NOQOTAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA & AMNIGA JUBALAND GEN. MAXAMED WARSAME DARWIISH.

    Hordhac:

    darwiishBeesha HARTI ee Jubaland waxay u doorteen Gen. Darwiish hoggaamiyaha siyaasadda ee beesha. Taasna wuxuu ku kasbaday inuu Madaxweynaha Jubbaland u magacaabo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland. Waxay ahayd xilli beeshu baahi weyn ay u qabtay shaqsi leh awood hoggaamineed, biseyl siyaasadeed iyo wada-shaqeyn dhex-marta beesha HARTI, hey’adaha dowlad-goboleedka Jubaland iyo shacab weynaha Jubaland ee ay dhibaatadu ragaadisey. Nasiibdarro, Gen. Darwiish wuxuu isla markii la magacaabeyba la soo ifbaxay karti darro, wada shaqeyn la,aan iyo weliba u heelanaan khilaaf joogto ah gudaha beesha HARTI iyo Shacabka Jubaland. Hadaba beesha Harti waxay halkan ku soo bandhigeysaa qaar ka mid ah arimaha Wasiir Darwiish sida gaarka ah uu ugu geystay beesha HARTI:

    Qodobada Kalsooni kala Noqoshada Gen. Darwiish:

    1. Gen. Darwiish wuxuu inta badan waqtigiisa ku lumiyey xulufeysi iyo kala qeybin beesha HARTI dhexdeeda, wuxuuna isku darsadey been iyo kibir, taasoo haba yaraate’e suurtogal eysan ahayn qof noocaas ah inuu hoggaamiyo beesha HARTI.
    2. Wuxuu gudaha Beesha HARTI ku dhex-abuurtay koox qas-wadayaal ah oo si bareer ah u curyaamisey wadajirkii, midnimadii iyo horumarkii beesha, xag siyaasadeed, xag dhaqan iyo xag dhaqaaleba.
    3. Wuxuu caadeystey inuu si joogta ah u khilaafo masaalixda beesha, isagoo isticmaalaya aragti ah “Qeybi oo Xukun”
    4. Wuxuu Mas’uul ka yahay dhibaatada joogtada ah ee loo geysto shacabka beesha Harti, Wuxuuna har iyo habeen ku mashquulsan yahay kala tagga iyo kala fogaanshaha Harti dhexdiisa iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed.
    5. Wuxuu oday u yahay ficilada gabbood-fallada, tacaddiyada iyo hagardaamada ah ee loo geysanayo beesha HARTI, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Dilal nafeed, dhac hantiyeed, shirqoollo, xarig joogto ah, jir-dil, dad koronto lagu gubay oo qaarkood ay u dhinteen iyo dhaqan dooris lagula kacay Harti, taasoo dhammaan hoos imaneysa mas’uuliyaddiisa.
    6. Wuxuu abuuray oo misana naaxiyey tafaraaruqa, habacsanaanta iyo isku-xirnaan la’aanta ka jirta Harti dhexdiisa.
    7. Wuxuu tarxiilay ama magaaladooda Kismaayo uu ka masaafuriyey dhalinyaro HARTI ah oo isugu jirta ciidan iyo rayid.
    8. Wuxuu caadeystay odayaasha dhaqanka ee ka soo horjeeda afkaartiisa gurracan inuu isku dayo ama ugu caga-jugleeyo inuu ku bedelayo kuwo gacan ku rimis ah oo isaga daacad u ah, dhammaan arimahaasna wuxuu u sameeyey si ficil ah.
    9. Wuxuu ku guuldareystey inuu beesha ka difaaco kuwa dhul-boobka joogtada ee sharci darada ah ku haya, arintaas oo mas’uuliyad guud iyo mid gaar ahaaneedba ay ka saarneyd xaq-ku-difaacida shacabka uu matilo.
    10. Wuxuu mas’uul ka yahay dhaqan-bararka iyo taariikh la dirirka ay sameynayaan kuwa wax-ma garatada ah ee isaga u adeega, wuxuuna abuuray kuwo sheeganaya isimo HARTI oo meelna aan ka soo gelin dhaqankii HARTI ee soo jireenka ahaa.
    11. Wuxuu ka dhaga-adeygay, si bareer ahna u qaadacay figrado lagu doonayey in lagu soo nooleeyo deris-wanaaggii iyo wada-noolaanshihii beesha HARTI kala dhaxeeyey beelaha kale ee ay wada degaan degaanka.
    12. Wuxuu ahaa ninkii ka danbeeyey in habeen saq-dhexe guryahooda lagala soo baxay iyagoo indhaha laga soo xiray, xabsigana loo taxaabay Garaadka beesha HARTI (Garaad Cali AAR iyo labo nabaddoon)
    13. Wuxuu dharka u dhigtay inuu ka hor-yimaado in lagu caano-shubo suldaanka guud ee beesha HARTI (Suldaan M/uud Geelle Cumar Ismaciil), kaasoo badalayey kii isaga ka horeeyey (Suldaan Muuse Nuur Jaamac Ismaciil) oo geeriyooday March 2015.
    14. Isagoo si khaldan u isticmaalaya awoodda maamulka Jubaland, wuxuu caga-jugleyn, caburis iyo handadaad joogta ah ku hayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee beesha HARTI, wuxuuna si toos ah uga hor-joogsadaa kulamada ay uga tashanayaan aayahooda.
    15. Wuxuu ballan-qaadyo been ah ku soo jiitaa kuwo bakhti-sugayaal ah oo hoygiisa u yuurara, isagoo u ballan-qaadaya xilal sar-sare inuu ka siinayo xukuumadda la soo dhisayo, arimahaas oo HARTI ay horay ugu hungoobeen, taasoo ay ugu danbeysey xilligii la soo xulayey xildhibaanada Jubaland oo uu beesha HARTI ku maaweelin jirey inuu u keenayo tiro u qalanta

    Hadaba, beesha Harti/Jubaland iyadoo tixraaceysa qodobada kor ku xusan waxay gaareen go’aannada hoos ku qoran:

    1. Beesha Harti waxay Gen. Darwiish kala noqotay xilkii hoggaamiyaha siyaasadda beesha Harti, waxayna beesha dib uga tashaneysaa ciddii u buuxin laheyd kaalintaas.
    2. Sidoo kale, beesha Harti waxay kalsoonidii wasiirnimo iyo middii qufeedba kala noqotay Gen. Darwiish.
    3. Beesha Harti dhammaan dhinacyada uu qoraalkan sida tooska ah iyo ogeysiintaba ugu socdo, waxay si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaan inaan magaca iyo saamiga awood qeybsi ay beeshu hesho aanan loo magacaabin isla markaana aanan loo soo marsiin Gen. Darwiish.
    4. Ciddii xushmeyn weyso go’aanka beesha Harti, waxaanu u aqoonsan doonnaa cid u soo tafa-xeydatey bur-burinta, bahdilidda, baabi’inta jiritaanka beesha iyo ku tumasho qiyimka beesha Harti/Jubaland.
    5. Ugu danbeyn, beesha Harti/Jubaland waxay ugu baaqeysaa beelaha walaalaha ah ee reer Jubaland iney adkeystaan midnimadooda iyo wada-noolaansha-hooda.

    Wabillaahi Towfiiq.

    saxiixa

    F.G: Qof ka mid ah odayaasha qoraalkan saxiixay haddii loo geysto xarig, jir-dil, dhaawac ama dhimasho waxa mas’uuliyadeeda dusha saaran doona Gen. Darwiish.

    Beesha Harti Gen. Darwiish Jubbaland Kismaayo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Ciidamada AMISOM oo gudaha u galay Magaalada Marka
    Next Article Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Marka & Baaritaan ka socda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo