Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»WARBIXIN SIRDOON: Ninkii fududeeyay qaraxii Daallo, Beeshiisa & dadkii uu horay u shirqoolay

    WARBIXIN SIRDOON: Ninkii fududeeyay qaraxii Daallo, Beeshiisa & dadkii uu horay u shirqoolay

    February 9, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    Saxaafadda gudaha iyo kuwa dibada ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay qaabkii loo fududeeyay qaraxii lala beegsaday diyaaradda Daallo Airlines 2-dii bisha, hase ahaatee wararkaasi kuwa ka duwan ayaa jira oo sheegaya in sarkaal ka tirsan hay’adda duulista iyo saadaasha hawada ka danbeeyay falkaasi iyo kuwo kale oo badan oo lagu qaarijiyay mas’uuliyiin fara badan.
    Ninkaani oo shaqaalaha garoonka iyo maamulkaba qadirin ku dhex lahaa ayaa lagu magacaabaa Cabdiweli, wuxuuna u dhashay beesha Abgaal, kana sii yahay Celi Cumar, wuxuuna xigto hoosaad yihiin Duqii hore ee Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

    somali.jpg

    Sida lagu soo bandhigay muuqaalada kaamirada CCTV ee garoonka ku xirney, waxaa ka muuqda Cabdiweli oo xiran dharka shaqaalaha garoonka ee jaakada gaduudan, waxaana la socdana nin ay saaxiib yihiin oo la yiraahdo Xasan Ibraahim oo ku magac dheeraa Xasan Caato, kaasoo markii danbe uu ku dilay miino gaarigiisa uu ugu xiray 05 Febrayo.

    Cabdiweli ayaa adeegsaday kaarto adag si warbixintiisa uusan u bixin Xasan Caato, waxayna labadooda isku raaceen degmada Wadajir, wuxuuna Cabdiweli ka codsaday Xasan in gaariga uu kusii jiro si uu dukaan meesha ku yiil ugu soo iibsado alaab, daqiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa oo uu maamulayay Cabdiweli.
    Xubnihii uu horay u shirqoolay Cabdiweli ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxii waaxda Saadaasha hawada  Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey iyo labo kale oo gaari la saarneyd, kuwaasi oo markii ay shaqada ka baxeen uu dib ugu yeeray in ay kusoo laabtaan garoonka arrimo deg deg ah oo jira awgood, waxaana lagu qarxiyay agagaarka isgoyska KM4 bishii November 11, 2014.
    garoon-qarax-1

    Sawirkaani idiin muuqda ee jaakada oronyada qofka xiran waa Cabdiweli iyo saaxiibkiisa la fududeeyay Xasan Caato Seddax maalin kadib mashimay Cabdiweli oo gaarigiisa uu kula qarxiyay Wadajir 5-bishan

    Cabdiweli ayaa ka tirsanaa shaqaalaha garoonka, gaar ahaan waaxda saadaasha hawada, sidoo kale wuxuu horay ugu soo shaqeeyay shirkaddii Sky ee garoonka maamuli jirtay.
    Arinta layaabka leh ayaa ah in Cabdiweli uu ka tirsanaan jiray Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Soomaaliya xiligii Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif.

    Sidoo kale qof kale oo la shaqeynayay Cabdiweli ayaa laga soo qabtay kontoroolka Afgooye xili uu baxsad ahaa, kaasoo ka mid ahaa silsiladii fududeysay qaraxii daalo, inkastoo aan magaciisa weli ku raad joogno. Sidoo kale qof dumar ah ayaa loo xiray falkaani, taasoo kaliya u xiran muuqaalka Video ee ay ka dhex muuqaday xili ay goobta maraysay.

     Maamulihii shirkadda Jubba ee garoonka Muqdisho ayaa isna xabsiga ku jira, kaasoo isna loo qabtay markii ninkii is qarxiya ee C/salaan Boorlo lagu magacaabi jiray u tilmaamay koontarka Daallo, balse waxaa suuragal in mas’uulkaasi xorriyadiisa loo soo celiyo iyo gabadha ka muuqatay muuqaalka video-ga.
     ISHA: Warfaafiye
    Daallo Airlines NInkii shirqoolay Daallo Yaa qarxiyay Daallo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleVIDEO & SAWIRO: Muuqaalkii CCTV oo sawiro loo bedelay & Qorshihii lagu qarxiyay Daallo Airlines
    Next Article Djibouti’s Guelleh receives Somali-British athlete Mo Farah in Djibouti

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo