Garsoorada Maxkamadda Rafcaanka ee Maxkamadda Dembiyada ee adduunka ayaa jebiyay qoraalo dacwadeed oo marqaatiyaal hore ay sameeyeen oo la xiriira dacwad loo heysto madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.
Mr. Rhuto ayaa hadda ku guuleystay in qoraalada hore aan loo adeegsan dacwadii loo heystay oo la xiriira denbiyo ka dhan ah bani’aadamnimadda in dad badan oo lagu dilay qalalaasihii ka dambeeyay doorashada dalkaasi ka dhacday sanadkii 2007-dii.
Dacwadii loo heystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa mar hore meesha ka baxday, waxaase jiray eedeymo la xiriira cabsi gelin iyo laaluush, iyadoo marqaatiyada inta badan ay la noqdeen warbixinadii ay qoreen si dacwado loogu qaado labada mas’uul ee ugu sareeya dalka Kenya.
In ka badan kun qof ayaa lagu dilay dagaal qabyaalad salka ku hayay ee dhacay cod bixintii kadib sanadkii 2007-dii. Marka laga gudbo Mr. Ruto iyo Mr. Kenyatta, tiro kale oo isku jira siyaasiyiin, suxufiyiin ayaa lagu soo oogay dacwada la xriira danbiyo dagaal.