Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliya oo arrin yaab leh ka sameeyay Garoonka Muqdisho [Sawirro]

    Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliya oo arrin yaab leh ka sameeyay Garoonka Muqdisho [Sawirro]

    February 13, 2016Updated:February 13, 20163 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib  dhacdadii lagu qarxiyay diyaaradii Daallo Airlines ee ka duushay Garoonka magaalada Muqdisho 2-dii Bishab Febraayo waxaa aad loo adkeeyay ammaanka garoonka Muqdisho iyadoo la soo kordhiyay baaritaano dheeraad ah oo cid waliba ay mareyso.

    Wasiiro, taliyeyaal ciidan iyo xildhibaano ayaa ka mid noqday dadka la baarayo ee la marinayo baaritaanka adag ee garoonka Aadan Cadde, waxaana ugu danbeeyay wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Maxamed Aadan Ibraahin Fargeeti oo sida dadka caadiga ah u maray baaritaanka xilli uu ka duulayay garoonka Muqdisho Jimcihii shalay.

    Sheekada Wasiirka Fargeeti iyo Garoonka diyaaradaha waxaa qoray Weriye Moalimuu oo ka mid ahaa dadkii isla shalay ka dhoofayay garoonka, kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii kasoo gaaray weerarkii Liido.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA WERIYE MACALIMUU


     

    Wasiir ilbax ah oo isku kalsoon.

    Shalay ayaa waxaan ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Adde ,maadaama qalqal amni uu garoonka ka dhacay maalmo ka hor amniga aad baa loo adkeeyay ,eeyo carbisan ayaa baaryay boorsooyinka taasi ma ahan wax aniga shaqsiyan ugu cusbaa laakiin arinta i soo jiidatay waxa ay aheyd Wasiir min bilow ilaa iyo dhamaad feylka nagula jiray intii aan soo marnay oo idil .Aqoon gaar uma lihi Wasiirka, laakiin waa nin macruuf ah, hadda ka hor ayaan mar wareystay, dhowr jeer oo uu shir saxaafadeed qabtayna waa aan ka qeyb galay.

    Waa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aden Fargeeto. Iga rumeyso Wasiirka min bilow ilaa iyo dhamaad shacabka ayuu dhex jiray waxa uuna la wadaagayay amarrada caadiga ah ee shacabka la siinayay, istaaga, dib u daga, soo dhaafa IWM, balse intaas oo idil Wasiirku hal mar afkiisa kama uusan soo bixin inuu Wasiir yahay, carruurtiisa ayuu daadihinayay.

    Waxaa jiray xildhibaano baartitaanka marAyay hase yeeshee aan shacabka ku goob aheyn. Markii la soo gaaray goob aanan loo ogoleyn in ay shacabka ka gudbaan ayaa wasiirka askari uu ku yiri ma adigaa dhoofaya ,Wasiirku waxa uu yiri, maya ee caruurtaa dhoofeysa, haye halkaaga ka noqo ayaa la yiri, Wasiirka caruurtiisa ayuu ku yiri nabadeey oo uu gacan haatiyay, mar labaad ma sheegan inuu Wasiir yahay, wuuna iska laabtay.

    Dadkii safka aan ku wada jirnay oo qaarkood waji yaqiin Wasiirka ayay arintan dood ka dhex dhalisay, nin oday ah ayaa soo booday wuxuu yiri Wasiirku waa ilbax waana isku kalsoon yahay, Wajeer baa inoogu dhow markaan tagno amarka waa la qaadanayaa, maxaa diidaya in badbaadada wadanka awgiis uu amarka askariga Soomaaliyeed raaco oo aan kuwada calool fiyoobaano.

    Fiiri sawirada hoose

    Fargeeti

    fargeti

    GOOBJOOGE.COM

    Garoonka Muqdisho Moalimuu Top Wasiir Fargeti
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degaan muhiim ah oo ka tirsan Hiiraan
    Next Article DEGDEG: Qarax xoog leh oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo