Booliiska dalka Kenya ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerar kooxda Alshabaab soo abaabushay oo lagu qaadi lahaa magaalada Mombasa.
Taliyaha ciidamada Booliska ee Gobolka Francis Wanjohi ayaa sheegay in kooxda laga shakiyay goob la doonayay in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa oo weerarka loo adeegsan lahaa, kadibna ay si qorsheysan ugu duuleen.
Dhalinyaro dhowr ah ayaa lagu soo qabtay howlgalka Booliska Kenya, waxaana dadka la qabtay ka mida Maxamed Kombo iyo Maxamed Saalim Maxamed oo ka mid ahaa lix qof oo Booliiska Kenya uu ku raad joogay, kuwaasoo sida la sheegay si qarsoodi ah ku galay dalka Kenya, kana yimid Soomaaliya.
Laamaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee laga shakiyay ay qorsheynayeen weerar ay ka geystaan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana sidoo kale la aamisan yahay inay hore weeraro hore uga geysteen Lamu iyo Mombasa.
Alshabaab ayaa weeraro joogto ah ka geysta gudaha Kenya oo dagaalkoodii ay u wareejiyeen kadiba markii ay qorteen dhalinyaro reer Kenya ah.
Wadani.com