Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii diyaaradda Daallo Airline ee horraantii bishan February lagu qaaday iyadoo markaasi ka duushay garroonka Muqdisho kuna sii jeedda Jabuuti oo qof ku dhintay laba kalena ku dhaawacmeen.
War ay Shabaab soo saareen ayay ku sheegeen inay bar-tilmaameed sanayeen wax ay ugu yeereen sirdoon reer Galbeed iyo Turkiyiin saarnaa diyaaradda, sida ay ku sheegeen war uu ururku si rasmi ah u soo saaray maanta.
Qarax loo adeegsaday Laptop, ayaa lagu dhex qarxiyay diyaaradda Daallo, xilli ay ka kacdey garroonka dayuuradaha ee Muqdisho, islamarkaasina 14 kun oo Fiit ay dhulka u jirtay.
Waa weerarkii ugu halisnaa ee Alshabaab abaabulaan kaasoo lagu beegsaday diyaarad, wuxuuna ahaa weerar si qoto dheer loo abaabulay oo muddo dheer laga shaqeynayay, waxayna tani ka dhigan tahay in Alshabaab ay soo kordhiyeen qorshooyin cusub.
Wadani.com