Maleeshiyada Alshabaab ayaa dib ula wareegtay degaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan kadib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM isaga baxeen halkaasi oo maalin qura ay gacanta ku hayeen.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ay faarujiyeen Degaankaasi oo markiiba ay yimaandeen Al-shabaab.
Buurweyn oo ku dhow Buuluburte ayay shalay qabsadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, mana cadda sababta ay haddana u banneeyeen.
Wadani.com