Hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland C.abdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay saddex qorshe oo u furan maamulka Puntland kadib markii ay diideen qaanba 4.5 in lagu soo dhiso Baarlamaanka soo socda ee la filayo dhammaadka sanadkan in Soomaaliya yeelato.0
Madaxweyne Gaas ayaa hadalkan uu kasoo xigtay Wargayska KAAHA BARI ookasoo baxa Puntland, waxaana uu soo bandhigay 3 qodob oo Puntland qaadan karto hadii lagu adkaysto go’aanka qaabka doorashada 2016.
Tallaabooyinka Gaas uu sheegay inay Puntland qaadaneyso waxay kala yihiin:
- Inay aqbasho qaabka doorashada ee ay gorgortan cusub ka gasho.
- Inay Soomaaliya ka go’do.
- Iyo inay ka baxdo waanwaanta wadaan beesha caalamka, xaalad kale go’aansadaan
Madaxweynaha Puntland ayaa kadib wadahadalkii fashilmay ee Garowe ku dhex maray wakiilada beesha caalamka in lagu balamay wadahadallo kale oo la isugu yimaado.
Wadani.com