Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Michael Keating iyo wakiilada Beesha caalamka ayaa maanta tegay magaalada Baydhabo socdaal ka mida kulamo la tashi ah oo ay la yeelanayeen madaxda maamulada dalka ka jira kadib socdaalkoodii Garowe.
Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya waxay kulan la qaateen madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo waxgaradka maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka wadahadleen xaaladda kala guurka ah iyo qaabka doorashada dalka u dhaceyso 2016.
Shir jaraa’id oo ay wada qabteen Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Micheal Keating kulankooda kadib ayay ku sheegeen inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan doorashada dalka ka dhici doonta sanadkan, iyo sidii maamulkaasi looga taageeri lahaa dhinaca horumarka.
Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo ay ahayd markii ugu horeysay ee uu tago magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay maqsuud ka yihiin wixii ay kala kulmeen maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wadani.com