Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Shama’arke) ayaa soo saaray wareegto ku saabsan dhowrista xasaanada Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada, isagoo qoraal xafiiskiisa kasoo baxay 12-kii bisgan oo Wadani.com ay heshay.
Cumar C/rashiid ayaa wareegtadiisa oo ku socotay Hay’adda Ammaanka, lana ogeysiiyya Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku sheegay in Hay’adaha Amniga ay si buuxda u dhowraan xasaanada iyo sharafta ay mudan yihiin xildhibaanada Baarlamaanka iyo wasiirada xukuumadda Soomaaliya si waafaqsan Dasuutka iyo sharciyadda dalka.
Qoraalka wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray in hay’adaha ammaanka dalka ay u gutaan xilka loo igmaday si habsami leh oo waafaqsan sharciga.
Wareegrada ayaa soo baxday iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay mooshin geeyeen Baarlamaanka ay uga cabanayaan hadalkii madaxweynaha SOomaaliya ee ahaa in xildhibaanada ay hormuud u noqdaan baaritaanka amniga.
Waxaa maanta lagu wadaa in Baarlamaanka uu ka doodo arrintan oo looga yeeray mas’uuliyiinta ammaanka dalka, iyadoo qoraalkani hordhac ahaan loo hordhigay, taasoo meesha ka saareysa hadalkii madaxweynaha.
Wadani.com