Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa la sheegay in looga yeeray magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo farriin loo mariyay qunsulka Itoobiya ee magaalada Garowe.
Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Gaas oo ay la socdaan xubno ka tirsan xukuumadiisa ayaa lagu wadaa inay maalinta Berrito u duulaan dalka Ethiopia, halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda dalka Itoobiya.
Waxaa la sugayaa waxa uu noqon doono go’aanka maamulka Puntland kadib socdaalkooda dalka Itoobiya, iyadoo rajo badan laga qabo in cadaadiska Itoobiya ee Puntland isbedel ku keeni doono mowqifka qayaxan ee maamulkaasi.
Wadani.com