Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo gaar ahaan Degaanka Shan Dacaar oo 70 KM u jira Degmada Baardheere ayaa sheegaya in Diyaarad ah nooc duuliye la’aanta ah ay ku soo dhacday degaankaasi, waxaana la sheegay inay isla markiiba ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa sheegatay in Ddyaaradan oo uu leeyahay Mareykan oo xambaarsaneyd ilaa 6 Gantaal sida ay hadalka u dhigeen ay la wareegeen.
Mareykanka ayaa inta badan adeegsada diyaaradaha is wada ee Drone-ka loo yaqaan isagoo ku weerara xarumaha Alshabaab oo hore looga dilay madax ka tirsan ururukaasi.
Weli ma jirto cid xaqiijisay diyaaraddaasi iyo meesha laga leeyahay.
Wadani.com