Allaha u naxariistee waxaa duhurnimadii maanta ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa Wasiirkii hore ee Gaashandhigga Soomaaliya Xukuumaddii KMG ahayd ee Nuur Cadde oo hadda ka mid ahaa mas’uuliyiinta sare ee Xibsiga Kulan ee magaalada Muqdisho.
Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii KMG ee Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna isla markiiba ku geeriyooday qaraxa oo ku beegnaa kursiga darawalka oo uu fadhiyay.
Muxiyaddiin Xasan Xaaji uu haatan ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan iyo mid ka mida ah siyaasiyiinta u dhaqdhaqaaqa badan magaalada Muqdisho.
Wadani.com