Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ayaa hakiyay bedburburinMaamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya ciidamada ammaanka ayaa saakay billaabay howlgal lagu fujinayo boorarka ku qoran afafka qalaad ee ku dheggen hareeraha waddooyinka iyo goobaha ganacsiga qaarkood.
Af-hayeenka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in cabasho ka timid ganacsatada loo hakiyay wax ka bedelka iyo burburinta Boorarka ku qoran luuqada ajnabiga ah oo maalmihii ugu danbeeyay ka socday Muqdisho.
Dad badabn ayaa la yaabay qorshaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuuf Xuseen Jimcaale ee ah in burburiyo boorarka ku qoran luuqadaha aan Soomaaliga ahayn iyadoo ay u yaallaan dowladda hoose howlo ka weyn kana muhiimad badan arrintan sida nadaafadda magaalada, dib u dhiska iyo soo celinta bilicda oo ay ka mid yihiin nalalkii cadceeda ku shaqeynayay oo qaar badan ay dameen iyo samafarayaashii wadooyinka oo gebi ahaanta istaagay.
Guddoomiye Boorsaani ayaa ugu danbeyn hakiyay arrintan oo ganacsatada qaarkeed si cad ugu sheegeen inu ka bilaabo garoonka Adan Cade iyo wasaaradaha dowladda oo dhammaantood af Ingiriis ku qoran. Waxaa kaloo soo shaac baxday intii ay socdeen falalkii boorarka ganacsatada ee lagu falaaday ceeb kale oo la xiriirta in astaamo iyo magacyo shirkadeed rinji la mariyay oo lagu ciyaaray.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO


Wadani.com