Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerarkii ay xalay saqdii dhexe kooxda Alshabaab ku ekeeyeen degmada Afgooye oo afar jiho ay ka galeen. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Amisom ayaa sheegay inay dib isaga caabiyeen weerar culus oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen.
Al-Shabaab ayaa afar jiho gantaallo kaga soo weeraray Afgooye, abaare 1:30 AM ee saqdii dhex kadib , waxaana kadib xigay dagaal qaraar. Wadaniyaal iyo saraakiil ayaa xaqiijiyey in toddoba qofoo ay ku jiraan dad shacab ah lagu dilay dagaalka. waxaa jira qasaare intaas ka badan oo tirada dhimashada gaarsiinaya 10 ruux.
Weerarka Al-Shabaab ayaa lala beegsanayay saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya ee deegaanka Mukayga. Waxaa sidoo kale la beegsaday bar kontorool oo ciidamad ay ku lee yihiin meel u dhow Afgooye. Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya, Cabdullahi Xasan ayaa sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab.
Cabdullahi Xasan waxa uu sheegay in shabaabka ay dileen shan qof oo ay ku jiraan afar caruur ah.Wadaniyaal ayaa xaqiijiyey inay jirto dhimasho ay ku jiraan caruur, balse ma aysan caddeyn haddii ay Shabaabka dileen, ama in ay dagaalka ku dhinteen. Radio-ga Al-Shabaab ayaa sheegay in 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarka.
Wadani.com