Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ee Soomaliya Michael Keating ayaa maanta tagay magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug. Wafdiga waxaa ka mida wakiilada Beesha Caalamka.
Michael Keating iyo wefdigiisa waxaa garoonka magaalada Cadaado kusoo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, kadibna waxaa kulamo albaabada u xiran yahay uga bilowday labda dhinac.
Socdaalka Michael Keating iyo wakiilada Beesha caalamka ee Cadaado ayaa ujeedkiiisu yahay sidii ay ogaan lahaayeen aragtida maamulka Galmudug ka qabo go’aanada kasoo baxay shirki madasha wadatashiga Qaran iyo qorshaha 2020.
Xubnaha la socda Michael Keating waxaa ka mida danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Itoobiya, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa horay u maray magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe.
Wadani.com