Ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala Galmudug ayaa soo furtay nin ajnabi ahaa oo muddo ay afduub ku heysteen maleeshiyo oo warbixin laga helya kadib lagu soo badbaadiyay ninkaasi. isla markaana lagu soo qabtay qaar ka mida dableydii heysatay.
Ciidamada Nabad sugidda maamulka Galmudug ayaa ninka ajnabiga ah ku sheegay dhaqtar u dhashay dalka Kenya oo dhowr bilood afduub ahaan u heysteen maleeshiyadaasi oo degaan u dhow Xarardheere laga keenay.
Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa la filayaa inay soo bandhigaan ninkan la soo badbaadiyay, lana hadlaan saxaafadda saacadaha soo socda.
Wadani.com