Dowladda Kenya ayaa sheegatay inay duqeyn cirka ah ku dishay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Alshabaab iyo ku dhowaad 40 kale oo maleeshiyo ah mar ay diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyeen xero ciidan oo Alshabaab leeyihiin.
Sarkaalka Xarakadda Al-Shabab u qaabilsan sirdoonka Mahad Karateey oo magaciisu yahay C/raxmaan Maxamed Warsame ay Kenya sheegtay inay ku dishay weerarkaasi. War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa lagu sheegay inay xaqiijineyso inay in weerar cirka ah ay ku dileen ciidamada Kenya Mahad Karate oo ahaa ku xigeenka amiirka Alshabaab iyo madaxa amniyaadka ururkaasi iyo ku dhowaad 10 kale oo saraakiil heer dhexe ah.
Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya ayaa sidoo kale sheegatay inay weerarkan ku dileen 40 ciidamo Alshabaab ah oo tababar dhameystay loona diyaarinayay inay howlgallo iyo qarxyo fuliyaan. Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inay tahay xero u dhaxeysa Bu’aale iyo Saakow laakiin Kenya ayaa sheegeysa in xilliga weerarku dhacay ay ahayd xaflad ay ka qalin jebinayeen koox cusub oo Alshabaab ka tirsan.
Mahad Karatey wuxuu ku soo baxay liiska shaqsiyaad Al-Shabab ka tirsan oo lacag madaxooda la dul dhigay Bishii April ee sanadkii hore. Maraykanka ayaa sarkaalkaan ku doon doonayay lacag dhan 5 million oo dollar waxaana lagu eedeeyay inuu wax ka maleegay weerarkii bishii April ee sanadkii hore lagu qaaday jaamacadda Gaarisa ee dadka badan lagu laayay. Sidoo kale Kenya ayaa ku eedeysay inuu ka dambeeyay weerarkii Ceelcade ee lagu laayay ciidamo Kenyaan ah.
HOOS KA AKHRI WARSAXAAFADEEDKA WASAAARADDA GAASHAANDHIGGA KENYA
Wadani.com