Qasaarah weerarkii xalay lagu qaaday magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sii korodhay, iyadoo hadda tirada dhimashada ay mareyso dhimashada 28 ruux iyo dhaawac ka badan 60.
Qaraxa ayaa dhacay xilli ay kolonyo baabuur ah oo milatariga ay lee yihiin ay marayeen meel waxyar ka fog xaruntooda bartamaha magaalada Ankara. Guddoomiyaha Ankara Mehmet Kilicer ayaa sheegay in qaraxa uu u muuqdo inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur meesha la dhigay.
Reysal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa dalalka Biljamka iyo Azerbijan. wuxuun ku eedeeyay inay qaraxa ka danbeysay Kurdiyiinta Suuriya oo xiriir la leh PKK.
Turkiga ayaa bilaabay maanta inuu duqeeyo xarumaha ururka Kurdiyiinta ee dalka Suuriya. Qofka is qarxiyay ayaa magacaabiisa lagu sheegay Saalax Nacar oo u dhashay dalka Turkiga, kana soo galay dalkaasi dalka Suuriya.
Wadani.com