Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Shirkadda SMART GROUP oo warsaxaafadeed kasoo saartay Iibinta Idaacadda Gool FM ee Muqdisho

    Shirkadda SMART GROUP oo warsaxaafadeed kasoo saartay Iibinta Idaacadda Gool FM ee Muqdisho

    February 19, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkadda Smart Group waxay si rasmi ah u shaacineysaa inay iibisay idaacaddii, talefishinkii iyo website-kii cayaaraha ee Gool FM oo soo shaqeyneysay tan iyo bishii May 2012kii. Ujeeddada loo iibiyay waxay ahayd in shirkaddu xoogga saarto howlo u badnaan doona dhinaca waxbarashada.

    Maamulka Smart Group wuxuu u mahadcelinayaa maamulkii idaacadda iyo dhammaan shaqaalihii ay soo wada shaqeeyeen muddadii afarta sano ahayd ee ay idaacaddu shaqeyneysay, kuwaasoo idaacadda u horseeday horumar degdeg ah.

    Intii ay idaacaddu jirtay waxay horumar weyn ku soo kordhisay cayaaraha dalka, iyadoo dhallinyarada bartay kooxaha iyo cayaartoydooda. Waxay dadka tusisay in idaacad aan arrimo siyaasadeed ka hadlin ay saameyn ku yeelan karto dalka. Website-ka idaacaddu wuxuu muddo kooban gudahood uga mid noqday 5ta website ee af-Soomaali ku qoran ee ugu shacbiyadda badan, halka barta Facebook ee idaacadda ay ahayd midda ugu dadka badan (65kun oo qof) guud ahaan idaacadaha ku yaalla Soomaaliya.

    Shirkadda oo dareemeysa qiimaha ay shaqaaluhu u leeyihiin howsha idaacadda ayaa iska xilsaaray daryeelka shaqaalaha. Dhammaan shaqaalaha waxay saxiixeen heshiis shaqo, wuxuuna mushaar u billowday isla bishii 1aad ee shaqada, taasoo ah dhaqan aan ka jiri jirin idaacadaha gudaha. Ma jirin qof aan mushaar qaadan oo idaacadda ka shaqeyn jiray, xitaa kuwa tababarka ku jira waxaa la siin jiray lacag ay gaariga ku raacaan. Shaqaalaha Smart Group looma oggoleyn inay qaataan sharuur, taasoo iyadana ahayd siyaasadda shirkadda.

    Shaqaalaha waxay iyaga iyo xaasaskooda lahaayeen daryeel caafimaad oo ay tagi karaan markay xanuunsadaan. Arrimahan waxay keeneen in idaacadda ay weli ka shaqeeyaan dadkii lagu furay, marka laga reebo illaa 3 weriye oo iskood uga tagay shaqada muddadaas afarta sano, waana tiro aad u yar marka loo eego saxaafadda gudaha oo uu ku badan yahay gad-gaddoonka shaqaalaha.

    Ugu dambeyntii, waxay maamulka Smart Group u mahadcelinayaan dhageystayaashii siiyay kalsoonidooda, shirkadihii iyo bahdi isboortiga ee ay soo wada shaqeeyeen.

    DHAMMAAD

    Gool FM Smart GROUP
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Xaflad maamuus ah oo loo sameeyay xulka 11-jirrada ka qeyb galay Koobkii Jeem
    Next Article Madaxweyne Musaveni oo ku horeeya codadka Doorashada dalka Uganda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo