Agaasimaha hogaanka Socdaalka dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal C/laahi Gaafoow ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in laga noqday joojinta duullimaadyadii isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Gen. Gaafow ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay in kadib markii xaliyay cabashooyinkii jiray uu hogaanka socdaalka ka noqotay xayiraadda diyaaradaha.
HOOS KA AKHRI QORAALKA GEN. GAAFOW
Wasiirka Gaadiidka Hawada Axmed Jaamac Jangeli ayaa hore uga hor yimid go’aankii Jeneral Gaafow taasoo ceeb ku noqotay iska war qab la’aanta dowladda Federaalka dhexdeeda
Wadani.com