Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa goor dhoweyd lagyusoo gabagabeeyay shirkii caalamiga ahaa Arrimaha Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah socday, iyadoo ay ka qey galeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka badan 20 iyo in ka badan 50 dal oo ay wehliyaan ururada caalamiga ah.
C/salaan Cumar Hadliye, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo VOA u warramay ayaa sheegay in shirka laga soo saaray go’aano dhowr ah oo la isla gartay in Soomaaliya taageero caalami ah la siiyo, isla markaana laga taageero si ay cagaheeda isugu taagto.
Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa shirka lagu taageeray go’aanka kasoo baxay Shirkii Muqdisho ee qaabka looga gudbayo xiliga kala guurka, waxaa la isla gartay inaysan suurta gal aheyn doorasho qof iyo cod,iyadoo la taageeray go’aankii dowladda Federaalka ee ahaa in laba aqal oo Baarlamaan, aqalka hoose lagu saleeyo nidaamka 4.5 oo Soomaalida oo dhan ka soo qeyb galaan iyo Aqalka sare lagu saleeyo qaab deegaan.
GOOBJOOGE.COM