Qarax kale ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kadib 40 daqiiqo qaraxii xoogga badnaa ee dhowaan ruxay magaalada Muqdisho oo la sheegay inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa ka buuxaan oo la isku dayay in la joojiyo.
Qaraxa labaad ayaan weli wax war ah laga helin, iyadoo qaraxii hore lala beegsaday albaabka hore ee Beerta nabadda oo ku taalla goob xasaasi ah, kana dambeysa Hotelka SYL oo ay degan yihiin siyaasiyiin iyo madax sare.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in qasaaraha aad y badan yahay, sheegayaan inuu ka dhacay Agagaarka waxayna xaaladda u muuqataa mid la mida weerarkii lagu qaaday xeebta Liido Hoteeladii ku yaalay.
Qarixii hore ayaa la sheegay inuu ahaa gaari lagu joojiyay agagarka Hotel SYL oo qarxay , waxaana isbitaalada Muqdisho durba la geeyay dhaawacyo fara badan. Isbitaalka Medina ayaa la geeyay dhawacyo fara badan, waxaana heegan la galay dhammaan Isbitaalada Muqdisho oo dhan
Xaalada Muqdisho ee caawa ayaa muuqata inay noqon doonto habeen kale oo dhiig badani ku daato magaalada aan xasiloonida helin muddo dheer.
WIXII KU SOO KORDHA LA SOCO Wadani.com..