Shir jaraa’id oo Muqdisho ka dhacay xalay kadib kulamo xiriir ah oo ay yeesheen Guddiga amaanka dalka ayuu ku dhawaaqay Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare in amniga gobolka Banaadir ay masuul ka yihiin Maamulka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir, ayna ku wareejiyaan wixii hadda ka danbeeyana ay iyagu aadi doonaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyay General Tuuryare ayuu ku sheegay in amniga gobolka lagula xisaabtamayo maamulkiisa oo iyaga aan waxba la weydiin doonin, si ay meesha uga baxdo in markii wax dhacaan ka isku eedeeyo.
Arrintan oo ahayd mid muddo dheer la sugayay, horena looga ballan qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayaa waxaa ka muuqata inay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Taliyeyaasha ciidamada iyo wasaaradaha ammaanka ka mas’uulka ah miiska saaran yihiin loona heysto inay jawaab ka bixiyaan dhacdooyinka amaan xumo ee Muqdisho ku habsaday maalmihii danbe.
Taliyaha NISA Tuuryare ma sheegin in ciidamada ammaanka ee NISA ugu horeyso lagu wareejinayo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA
Wadani.com