Wararka hadda soo dhacaya ee laga helayo magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaaladaasi.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Baar caan ah oo bartamaha magaalada Baydhaba ku yaala, Waxana la sheegay inay qaraxyadu ahaayeen kuwo is miidaamin ah oo lagu beegay meel dad badan ka qaxweynayeen.
Qasaare badan ayaa laga soo sheegaya goobta iyadoo qaraxyada lagu sheegay laba qarax oo is miidaamin ah..
Labada qarax ayaa ahaa kuwa xoog leh oo gilgilay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah iyo warfidiyeeno magaalada ku sugan qaraxa koowaad ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay baabuur walxaha qarka laga soo buuxiyey, kaas oo bartilmaameedsaday goob aad loogu badnaa oo u dhow suuqa weyn ee magaalada.
Wararkii ugu danbeeyay ee qasaaraha qaraxa ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 ruux ay ku dhinteen qaraxyadii galabta ka dhacay magaalada Baydhaba…
FAAHFAAHINTA NALA SOCO……………
Wadani.com