Ciidamada booliska magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay qabteen rag lagu tuhunsan yahay inay abaabuleen weerarkii qaraxyada ahaa ee shalay ka dhacay magaalada sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin.
Baaritaano habeenimadii magaalada laga sameeyay lagu ogaaday in mid kamid ah garaashyada ku yaala magaalada laga soo abaabuley isla markaana ragga gacanta lagu dhigay qaarkood ay qirteen falkaas in ay ka dambeeyeen oo qeyb ku lahaayeen.
Guddoomiyaha degmada Baydhabo, ayaa ragga la qabtay ay tiradooda ku sheegay 7 qof isla markaana hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka nabad sugidda koofur galbeed Soomaaliya, waxaana ku socda baaritaanno lagu ogaanayo dad kale oo ka danbeeyay falkan.
Wadani.com