Ciidamada nabadsugidda magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay miino nooca dhulka lagu aaso oo dabley ka tirsan Al-Shabab doonayeen iney ku aasaan waddooyinka magaalada sida uu sheegay Afhayeenka ciidamadan Axmed Maxamed Maxamuud (Carab) oo warbaahinta u sheegay inay kooxdaasi dagaal ku dhex maray waddadii ay miinada ku aasi lahaayeen kadibna ay gacanta ku dhigeen dableyda, miinada iyo hubkooda.
Qarax-yadan uu sheegay Afhayeenka inay ciidanku fashiliyeen ayaa imaaneysa iyadoo Al-Shabab kordhisay weerarada iyo qaraxyada magaalooyinka oo ay ugu danbeeyeen kuwii ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.
Dad badan ayaa aaminsan in Hubkii faraha badnaa ee Alshabaab ka furatay xerooyinkii AMISOM ee Leego, Jannaale iyo Ceelcade ay awood u siiyeen inay sameeyaan bambooyin fara badan, ayna abaabulaan qaraxyo waaweyn.
Wadani.com