Afar askari ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawaco ayaa kasoo gaaray qarax miino oo gaari ay wateen lala eegtay degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Miinadaan ayaa la sheegay inay ku aasneyd wadada dhinaceed, waxayna ku qaraxday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay la soceen askartaasi. Waxaa isla goobta ku geeriyootay Afar askari iyadoo Lix kalena dhaawac kasoo gaaray.
Cabdullaahi Ciise oo ah gudoomiye ku xigeenka amniga ee Lafoole ayaa sheegay in askarta qaraxan lala eegtay ay ka mid ahaayeen kuwa xoogga dalka Soomaaliya.
Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda Federaalka ah, kuwaasi oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.
Wadani.com