Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee la xiriiray amniga magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo horkacayey kulamo degdeg oo ay yeesheen Golaha Wasiirada muddo saddexdii maalmood ah, laguna gorfeynayey tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo amniga, ayaa ku bogaadiyey Golaha Wasiirada sida deg-degga ah ee ay u soo diyaariyeen talooyin wax ka tari kara amniga caasimadda. (AKHRI GO’AANADA)
Go’aamada ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah in ciidammada booliska iyo nabadsugidda ee heer gobol ay door weyn ku yeeshaan amniga magaalada Muqdisho, iyado hawshaasina ay kala shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir, degmooyinka, iyo bulshada.
Waxaa qodobada go’aamadaasi ku xusan ka mid ah xakameynta hubka lagu dhex wato magaalada.
Golaha Wasiirada ayaa iyaguna si dhow ula shaqeyn doona maamulka gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago shirqoolada iyo carqaladaha ay wadaan kooxaha nabadda ka soo horjeeda.
————————– DHAMMAAD———————————-