Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Taliye Tuuryare: Halyey la xaqiray.! [Fallanqeyn]

    Taliye Tuuryare: Halyey la xaqiray.! [Fallanqeyn]

    March 3, 2016Updated:March 3, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jen. Cabdiraxman Tuuryare howsha uu qabtay muddadi gaabneyd uu xilka NISA hayay waxaa arki kara ama dareemi kara qofka indhihiisa maahee qalbigiisu wax arko. Tuuryare wuxuu diyaariyay ciidan aad u tababaran uu ku abuuray geesinnimo kuna tallaalay wadan jeceyl, waana kuwa badbaadiyay dad badan oo halaag lala damacsanaa, haba ugu darrado qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay beerta Nabadda iyo agagaarka Hotel SYL…ciidamadi NISA ee meesha ku dhintay hadeysan ahayn manta geerida wxay gaari lahayd in ka badan 300 oo ruux..laakin alxamdulillaah Alla ma qadirin,raggaasna waxay u hureen naftoodi.

    Guulaha ay ciidamadu gaaraan waxaa laga abaalmariyaa laguna amaanaa taliyahooda oo ah qofka hogaamiya oo horjooga howlaha ay hayaan. Taliyeyaashi taariikhda galay waxay badanaaba soo bexeen dagalladi adduunka ka dhacay oo ay ciidamadoodu guul soo hooyeen..ma rabno inaan magacyadooda tixno maadaama dadku ay badi ka dheregsan yihiin. Guulihi uu gaaray Tuuryare waxaa markhaati ka ah horumar xowli dheer ku socda ee ka mouqda magaalada Muqdisho kaasoo dad badan oon jecleyn deganaanta Xamar ay ka shaqeynayaan sidi loo hakin lahaa ama loo burburin lahaa wax kasta oo wanaag u ah dadka iyo dalka.

    Waxaa bilawday olole la rabo in Taliyaha NISA xilka laga qaado halkii lagu mahadin lahaa howsha uu qabtay iyo ciidanka uu diyaariyay.

    Haddaba, dowladda maxaa la gudboon?

    1. In la dhiiri geliyo taliye Tuuryare si uu u laba laabo dadaalka uu haayo, loona qoondeeyo miisaaniyad xoog leh oo siyaabo kala duwan loo adeegsan karo.
    1. In la howl geliyo ciidan aad u tababaran oo lala kaashado dowladda kaliya ee daacadda noo ah ee Turkiga, loona diyaariyo dhaqaale soo jiita dad badan oo waxtar noqon kara, lana badiyo tirada ciidanka dhar-cadka oo loo ballanqaado helitaanka wixi howl fududeyn ah oon shaqada looga maarmin.
    1. In taliye Tuuryare la siiyo awood gaar ah uu wax uga qaban karo kuwa fitnada abuuraya oo dadka ku beeraya argagax, kalsooni darro, kana ganacsanaya shucuurta dadweynaha si ay u abuuraan rabshado iyo fatqalalo dalka ku baaha..in loo fasaxo inuu soo qabto cid alla cidii loo arko inay khatar ku tahay degganaanta dalka, wuxuu doono ha ahaadpo, maadaama uu dalku ku jiro xaalad deg-deg ah. Waa in xasaanada laga xayuubiyo dadka ay ka mid yihiin Cabdullahi Goodax, C/weli Gaas, Xaashi Jibrii,iyo qaar kale oo badan oo baarlamaanka iyo xukuumada ka mida. Waxaa kale oo iyagana ku jira kuwa ka hadla Tviyada, raadiyeyaasha iyo websiteyada qaarkood waana in lagu qaadaa dagaal aad u culus si dalkaan looga badbaadiyo burburka ay la damacsan yihiin.

    XASUUS:

    Waxaa naga xasuus ah falalkii argagaxiso ee ka dhacay waddamada adduunka ugu xooga badan sida Mareynkaka iyo Faransiiska haddaan qaar ka xusno. Faransa waxaa ka dhacay dhibaato aad u weyn bishi November 2015 kaddib markii ay argagaxiso ku duuleen theatre la yiraahdo Batclan iyo weliba makhaayado iyo suuq laga dukaameysto waxaa meesha ku dhintay dad lagu qiyaasay 130 ruux waxaana ku dhaawacmay 368 oo 90 ka mida uu dhaawacoodu aad u liitay. Waxaa ka horreeyay duulaanki lagu qaaday majallada Charles Hebdo oo lagu dilay 14 shaqaalaha wargeyska ahaa.

    Mareykanka tii ugu dambeysay waxay ahayd duulaanki San Bernardino ka dhacay oo 14 ruux lagu dilay 22 qofna ku dhaawacmeen. MAXAY UGA HORTEGI WAAYEEN? Weliba iyagoo ah dalal horey u maray!!! Caqli iyo garaad lagu garto waxa dhacaya ma leenahay?

    W/Q: Axmad Calasow

    [email protected]

    Taliyaha NISA Tuuryare
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD: Maxaa xilka looga qaaday Agaasimihii wasaaradda Diinta & Awqaafta xukuumadda Soomaaliya..? [WARBIXIN XASAASI AH]
    Next Article Xildhibaan isu bedelay sarkaal oo amarro dhinaca amniga ah kasoo saaray Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo