Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale kulankooda maanta su’aalo ku weydiinaya Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo ay noqoneyso markii saddexaad ee uu hortago Baarlamaanka.
Kulankan ayaa ka danbeeyay fadhiyo xiriir ah oo xildhibaanada Baarlamaanka su’aalo ku weydiiyeen ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Taliyaha ciidamada Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka maanta uu hor imaanayo Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ay u harsan yihiin su’aalo kale oo xildhibaanadu doonayaan inay weydiiyaan.
Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ayaa hore muddo laba keer ah u hortegay Baarlamaanka iyadoo kulankii ugu danbeeyay ay dib u celiyeen xildhibaanada markii uu la imaan waayay Taliyaha NISA C/raxmaan Tuuryare.
Wadani.com