Wararka laga helayo degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in taliye kuxigeenkii Ciidamada Nabadsugidda ee Degmadaasi Ibraahim Maxamuud Waanbe lagu dilay xalay halkaasi.
Dilka ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsan ciidamada Nabadsugidda ee degmadaasi,waxaana sidoo kale isla goobta lagu dilay sargaalkii dilka u geystay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Nabad Sugidda Ee Degmada Cadalle.
Maamulka Degmada Cadalle Ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan dilalka ka dhacay degmada Cadalle oo ah kuwo aan hore loo arag.
Dilalka ka dhacay degmada Cadale kadib ayaa warar hordhac oo ka soo baxay ay sheegayaan inuu salka ku hayo khilaaf dhanka shaqada ah soo kala dhex galay.
Wadani.com