Markab ay leeyihiin ciidamada Badda dalka Australia oo lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa la sheegay inuu Badda Cumaan ku qabtay Doon yar oo hub kala duwan usoo siday Soomaaliya.
Baaritaan lagu sameeyay doontaasi ayaa laga dhex helay ku dhowaad laba kun (1989) oo qoriga loo yaqaan AK-47, 100 baasuukayaal ah iyo 49 qoryaha iyana loo yaqaan dabajeexa ee silsilada rasaasta leh ku xiran yihiin.
Markabka Austrila ee Doontan kaluumeysiga ku qabtay hubka ayaa ilaalada ka mida ilaalada xeebaha gacanka cadmeed iyagoo ishaa falateyn ku haya dhaqdhaqaaqyada argagixisada iyo xayiraadaha hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.
Waxaa baaritaan ku socdaa halka ku hubkaasi loo siday ee Soomaaliya ka mida, iyadoo hubkaasi yahay kii ugu badnaa ee dhowaanahan la qabto.
Wadani.com