Shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa lagu wadaa inuu dib u furmo iyadoo dadaal loogu jiro in ergooyinka ka qeyb gelaya shirkaasi dib ugu soo laabtaan.
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inay halkaasi tageen maanta laba diyaaradood oo soo qaadaya ergooyinka shirka ka qeyb galaya, waxaan diyaaradahaasi diray wasaaradda arrimaha gudaha.
Dhowaan ayuu sheegay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan in kulan ay dalka Turkiga kula qaateen madaxweynaha ay isla garteen in shirka maamulkiisa lagu wareejiyo labada guddoomiye Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo wixii hadda ka dambeeya ay iyagu maamuli doonaan shirka.
Ergooyin kala duwana ayaa tegaya magaalada Jowhar oo ka imaanaya Muqdisho iyo Beledweyne, waxaana wararku sheegayaan in diyaaradaha loo diray Magaalada Beledweyne ay soo qaadeen odayaal iyo ergooyin ka qeybgeli doona shirka Jowhar.
Ma cadda sida shirku u furmi doono iyo in heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay oo inta ay lagu eedeeyay wasaaaradda arrimaha gudaha iyo Wasiirkeeda C/ramaan Odowaa, waxaase la arki doona qaabka shirku u furmi karo.
Wadani.com