Wafdiga oo ay hogaamineysay Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali, waxaana ka mida wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Ceynte iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.
Kulan ay Kismaayo kula yeesheen madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta Jubbaland, waxayna iyagoo wada jira tageen xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo oo lagu dhagax dhigay Iskuul Boarding ah oo la sheegay in la heli doono adeegyada waxbarashada.
Iskuulkan waxaa hirgelinaya Midowga Yurub, waxayna wasiirka waxbarashada Khadar Bashiir Cali sheegtay inuu noqon doono dugsi dhameystiran.
Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya Cabdiramaan Yusuf Ceynte ayaa isna sheegay in dhismaha dugsigan uu qeyb ka yahay mashruuc Midowga Yurub uu ka hirgalinayo dalka oo dhan. .
DAAWO SAWIRRO

GOOBJOOGE.COM