War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan uu ka dhacay qarax weyn oo geystay khasaare.
Qaraxa ayaa ka dhacay albaabka hore ee garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne. Wararka laga helay dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa lagu fuliyay boorso miineysan oo goobta la dhigay Bas ka mida basaska dadka rakaabka ka qaada ee Garoonka diyaaradaha.
Afar qof oo u badan wakiilada shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana uu qaraxu dhacay iyadoo baaritaan lagu hayo gaariga. Dhaawacyada ayaa la geeyay isbitaalka dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.
Wadani.com