Wasaaradda Amniga Gudaha xukumadda Soomaliya ayaa shaacisay qaabka cusub ee loo sugayo ammaanka caasimadda Muqdishom waxayna digniin u dirtay shirakadaha iyo dadka heysta hubka sharci darrada ah oo loogu baaqay inay mudo bil gudahood isku soo diwaan geliyaan.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi kaamil Macalin Shukri oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay Wasaaraddu fartay shirkadaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, xarumaha ganacsiga, hoteelada, shirkadaha ilaalada gaarka ah leh, xarumaha warbahinta inay hubka ay heystaan ku diiwaan geliyaan muddo 30 maalmood ah.
Wax kaloo afhayeenku faahfaahin ka bixiyay qaabka loo sugayo ammaanka Muqidsho oo loo qeybiyay ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugidda; Booliska ayaa loo qoondeeyay inay ilaaliyaan wadooyinka muhiimka ah ee laga soo bilaabo wadada Liido ilaa Ex Koontarool Afgooye.
Ciidamada Nabadsugidda ayaa iyaguna loo xil saaray inay sugaan ammaanka jidadka waaweyn ee Sodonka, warshadaha iyo Wadnaha, waxaana la sheegay in labada ciidan lagula xisaabtamayo wixii amni darro ah ee ka dhaca goobaha loo xilsaaray.
Wadani.com