Odayaasha dhaqanka Beelaha gobolka Hiiraan ayaa qaadacay shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo lagu waday inuu dib uga furmo magaalada Jowhar, waxaana shir ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweyne ay ka soo saareen inay wadajir u qaadaceen ka qeybgalka shirkaasi.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee umadda Soomaaliyeed heysata tahay caddaallada darro, wuxuuna sheegay dastuurka dalka uu weli yahay qabyo. “Soomaaliya waxaa halkan soo gaarsiiyay cadaalad -darro, shirka Jowhar ee la leeyahay maamul ayaa lagu sameynayaa beello dhan oo Soomaaliyeed ayaa laga tagay, kuwo kale waxay leeyihiin tirada nala siiyay waa nagu yar tahay, qaar kale ayaa leh dheeraad ayaan rabnaa, waxaana ka danbeeya kuwa mas’uuliyada dalka sheeganaya’’ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo dhinaca kale sheegay in mowqifkooda Shirka Jowhar uu yahay mid cad, tallaabada ay qaadi doonaan ay ka tashayaan oo mar dhow ay shaacin doonaan.
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi ayaa isna shirka ka sheegay in qaabka Dowladda Federaalka Somaliya u maamushay shirka Jowhar aanu aheyn mid sax, wuxuuna si weyn ugu dhaliilay Xukuumadda in ay u isticmaasha shirka Siyaasado kale oo ka baxsan habkii ay ka filayeen bulshada labada Gobol in loo dhiso maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Wuxuu intaas ku daray inay maqleen in shirkii dib loo furayo, dadna laga qaaday gobolka, iyagoo duubabkii dhaqanka ahna aanay ka warqabin, taasoo uu sheegay inay caddeyn u tahay in waxa meesha socda ay khadlan yihiin, iskuna afgarteen inay qaadacaan shirkaasi.
Shirka waxaa ku sugnaa 8 ka mida Duubabka dhaqameed ee beelaha gobolka Hiiraan, waxayna kala yihiin:
Ugaas beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaliif
Ugaaska beesha Gaaljecel C/raxmaan Ugaas C/llaahi
Ugaaska beesha Saddex-Cumar Ugaas Cali Ugaas Muxumed
Ugaaska beesha Baajimaal Ugaas C/xakiin Ugaas Max’ed
Ugaaska beesha Makane Ugaas Cali Ugaas Xassan
Wabarka beesha Jajeele Wabar Geedi Wabar Xassan
Ugaaska beesha Jidle Ugaas C/naasir Ugaas Nuur
iyo Wabarka beesha Baadicadde Wabar Maxamed Wabar Axmed.
Waxaa kaloo shirka ka dhex muuqday xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, waana jugtii ugu weyneyd ee shirka Jowhar ku dhacda.
Wadani.com