Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo hore uga baxsaday ciidamada Nabadsugidda kuna biiray kooxda Ahlu suna ee Gobolldaa Dhexe, halkaasoo uu ku sugnaa muddooyinkii ugu danbeeyay.
Ciidamada Nabadsugidda ayaa hore ugu eedeeyay Cabdi Waal iyo rag kale howlo amni darro ah oo caasimadda Muqdisho ay ka fuliyeen, waxaana fashilmay weerar lagu soo qaban lahaa oo ciidamada ku qaadeen Guri uu deganaa.
Cabdi Waal oo mar madax ka noqday Idaacadda Shabeelle ee Muqdisho ayaa Muqdisho uga baxsaday gaari isagoo dhex maray degaanada Alshabaab ka taliyaan kadibna salka dhigtay degaanada Ahlu Suna ka taliso Guriceel iyadoo kooxdaasina ay u magacawday taliyaha ciidamada ururkaasi, laakiin markaas kadib lama maqlin wax dhaqdhaaq ah oo uu waday. (Akhri Warkan)
Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad ayaa saarnaa diyaarad ka timid magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ka qabtay ciidamada Kenya oo u soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya oo u heysata denbiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin falal amni darro ka fuliyay Muqdisho.
Ciidamada Nabadsugidda ayaa la wareegay gacan ku heysta Cabdi waal oo aan faahfaahin laga bixin xaaladiisa iyo waxa uu ku danbeyn doono.
Wadani.com