Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo booqday, sawirana la galay ciidamadii ka dagaalmay Suuj [DAAWO SAWIRRO]

    Madaxweynaha Puntland oo booqday, sawirana la galay ciidamadii ka dagaalmay Suuj [DAAWO SAWIRRO]

    March 22, 20163 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (GAAS)  ayaa maanta booqday ciidamada Puntland ee dagaalka ka galay Togga Suuj, wuxuuna ku bogaadiyay geesinimadii ay muujiyeen, waxayna isla sawireen ciidamada.

    WARKA IYO SAWIRADA HOOSE WAXAA SOO DIRAY MADAXTOOYADA PUNTLAND

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo uu wehinayey Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22-March-2016 waxa ay booqoshaqo dhiirri gelin iyo bogaadin xambaarsan ku tegeen xeryaha ay degganyihiin ciidamada aan gabbashada lahayn ee soo afjaray dagaalladii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.

    Ugu horrayn Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa waxay booqashadooda ka bilaabeen Xerada Ciidanka PSF ( Puntland Security Forces)  waxaanay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamadii guusha kasoo hooyey dagaalkii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha alshabaab, waxaanay ciidamadaasi adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka loogu talo galay dagaallada goobaha qararka iyo buuraha ah.

    Saraakiishii hoggaaminaysey ciidamadaas ayaa waxay uga warbixiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka guulihii taarikhiga ahaa ee ay kasoo hooyeen dagaalkii ay sharwadayaasha Al-shabaab kaga sifeeyeen deegaanada Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin guulaha ay gaadheen sidoo kalena ay diyaar u yihiin in ay cagta mariyaan cadow walba oo isku daya in uu wax u dhimo nabadda iyo xasiloonida ka jirta  Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Punyland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey ciidamadaasi hawl-galka sameeyey ee PSF ee sida gaarka ah u tababaran guulihii dhaxal-galka ahaa ee ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa iyo muddadii koobnayd  ee ay kusoo afjareen hawl-galka, waxaana u sheegay ciidankaasi in ay yihiin cidda keliya ee shacabka Puntland ay ku ladaaan.

    Sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxay booqasho taa lamid ah waxay ku tageen xarada Ciidanka ilaalada Badda Puntland (Puntland Marine Police Forces PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland kooxihii sharwadayaasha al-shabaab, kuwaas oo  bad iyo berriba ka garaacay sharwadayaasha iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.

    Saraakiishii hoggaaminaysey Ciidamadaas  ayaa  ka war-bixiyey guulihii ay ka soo hooyeen  dagaalka iyo qaababkii ay uga hawl gelayeen dhulka oo isugu jirey dhul xeebeed iyo dhul buuro ah waxaanay  ballan qaadeen in ay cagta marin doonaan cidkasta oo kusoo xad gudubta xeebaha Puntland oo ah Xeebaha ugu dheer Soomaaliya.

    Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ciidamada Badda Puntland waxaa uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal aan sida loo gabbado aqoon, sidoo kalena ay ku ammaanan yihiin guulaha wax ku’oolka ah ee ay usoo hooyeen dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dawladdoodaba, isla markaana ay dawladda Puntland la garab taagnaantooda dhiirri gelin, tayaynta qalabkooda iyo dar-dargelinta tababarro dheeraad ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadoodaba.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu booqaan doonaa ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland oo ah ciidamada difaaca Puntland isla markaana birta ka aslay kooxihii nabad-diidka alshabaab oo damacooda gaabani uu siiyey in ay duullaan kusoo qaadaan Puntland oo nabad kusoo caano-maashay.

    Ugu dambayntii, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa kormeerro indho-indhayn waxay kusoo sameeyeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Duuslista Hawada Puntland halkaas oo ay ka socotey shaqa maalmeedkii wasaaradaha ee caadiga ahaa.

    —DHAMMAAD—

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

    IMG_2753IMG_2757
    IMG_2773IMG_2770IMG_2777IMG_2778IMG_2779IMG_2784IMG_2785
    IMG_2797IMG_2796IMG_2801IMG_2803IMG_2805IMG_2812IMG_2814IMG_2817

    IMG_2821IMG_2829IMG_2835
    IMG_2840IMG_2839

     

    C/weli Gaas Puntland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Cumar C/rashiid oo gaaray Magaalada Beledweyne
    Next Article DEGDEG: Dagaalkii Garacad oo weli socda & Puntland oo digniin soo saartay [DHAGEYSO WASIIR SOOCADE]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo