Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xil ka qaadista Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Cali Sharmarke ku sameeyay wasiirkii wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya Guuleed Xuseen Qaasim, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.
Wareegtada Ra’iisal wasaaraha ee xilk qaadista ayaa sabab looga dhigay qodobka 97 faraqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka iyo xeer madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Xilka qaadistan ayay Wadani.com baahisay 14 kii April iyadoo sababta xilka qaadista wasiirka uu lahaa Axmed Madoobe oo sidaasi dalbaday.
HOOS KA AKHRI WARBIXINNADA XIL KA QAADISTA IYO MAGACAABIDDA WASIIRADAN
- WASIIRKA LA MAGACAABAY
http://goobjooge.com/raiisal-wasaare-cumar-crashiid-oo-wasiir-cusub-u-magacaabay-wasaaradda-boostada-isgaarsiinta/
MAXAA XILKA LOOGA QAADAY WASIIR GUULEED
http://goobjooge.com/wasiir-ka-tirsan-xukuumadda-soomaaliya-oo-xilka-laga-qaaday/
GOOBJOOGE.COM