Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga yeeray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyadoo waqti degdeg loo qabtay.
Baarlamaanka ayaa Ra’iisal wasaaraha ka doonaya inuu hor yimaado maalinta Sabtida ah ee 30-ka Bishan April si wax looga weydiiyo qaabka doorashada 2016 iyo heshiiska xukuumadda iyo madashada Qaran ka gaareen.
Xukuumadda Soomaaliya oo laga sugayay inay heshiiska qaabka doorashada ay hor geeyaan Baarlamaanka ayaa dib uga dhacay iyadoo laga cabsi qabo in Baarlamaanka ay ka hor yimaadaan qaar ka mid heshiiska.
Maalmihii ugu danbeeyay ayay golaha wasiirada ka shireen qaabka Baarlamaanka loo hor geynayo Heshiiska madasha Qaran ee doorashada, waxaana olole loogu jiraa sidii xildhibaanada looga dhaadhicin lahaa ansixinta heshiiska qaabka doorashada.
Wadani.com