Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Taliyaha NISA oo War-saxaafadeed ka soo saaray dilka horjooge sare Macalin Daa’uud

    Taliyaha NISA oo War-saxaafadeed ka soo saaray dilka horjooge sare Macalin Daa’uud

    June 2, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Taliyaha NISA oo War-saxaafadeed kasoo saaray dilka horjooge sare
    Taliyaha Nabad-sugidda C/raxmaan Tuuryare
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    War-saxaafadeed kasoo Baxay Taliska Sare ee Hey’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn dhinaca Cirka ah oo habeenkii  Axadda ay taariikhdu ku beegneyd 28-kii May 2016 lagu diley horjoogihii ugu muhiimsam kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab , Ahna Horjoogaha u qaabilsan dhinaca Gaashaan- dhigga, islamarkaana Maleeshiyaadka Dagaalama

    Horjooge Yuusuf waxaa lagu dilay goob aan ka fogayn deegaanka  Kuunyo Barrow ee gobolka jubada dhexe oo ah saldhigga ugu wayn Al-shabaab labadii sanno ee lasoo dhaafay, xilli uu markaas kasoo baxay kulan uu la lahaa golaha fulinta Kooxda, oo lagu kala qaatay qorshaha weerarada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo kuwa kale oo ay damacsanayeen in la fuliyo xiliga lagu guda jiro doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan.

    Ninkaan waxaa lagu magacaabaa C/laahi C/shakuur Jimcaale, waxaa kaloo loo yaqaanaa Yuusuf Xaaji iyo Macalin Daa’uud, Da’diisu Qiyaastii waa 38-40 sano jir,  waxuu lahaa 3 Xaas iyo 11 Caruur ah, waxaa la dhashay oo Al-shabaab ka mid ahaa Maxamed C/shakuur Jimaale oo lagu Diley Dagaal UGUS la Gashay Ciidamada Dowladda Soomaaliya .

    Yuusuf Xaaji oo ah Magaca looga yaqaano Gudaha Al-shabaab,waxaa uu muddo dheer ahaa Horjoogaha dhinaca Milatariga  u qaabilsan Kooxda, waxaa uu sidoo kale mas’uul ka ahaa Jabhadaha Dagaalama kuwooda Guud iyo kuwa gaarka ah, isagoo sidoo kale maamuli jirey inta badan lacagta soo gasha Maleeshiyaadka Al-shabaab, oo badankeeda lagu bixin jirey Dagaalada.

    War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in  Tan iyo markii uu geeriyooday Horjoogihii Kooxda Axmed Cabdi Gudane, uu Macalin Daa’ud  ujanjeerey xaga Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ee Aminiyaadku Fuliyaan,Hogaankana uu qabtay Axmed Diireye (Abuu-Cubeyda) oo ah Nin ujanjeera Dhinaca Jabhadaha Dagaalama, Geestana Weerarada Abaabulan,

    Hey’adda NISA, ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji uu Maskaxdkaxdii ka dambeysay ‘Weeraro raad reebay Sida weeraradii Leego,Janaale, Ceel-cadde,Laantabuure, Ruun-nirgood ,Puntland iyo Galmudug, maadaama Jabhada Hubeysan Dhammaantood ay isaga Hoosyimaadaan.

    Yuusuf xaaji, wuxuu  ahaa horjoogaha kaliya ee ay si joogta ah  isku Arkaan hor joogaha  guud ee Al-Shabaab, isagoo  xiliyo kala duwan  soo qabtay Amniyaadka dilalka qorsheeshan fuliya ee kooxda, waxaana  dilkiisu uu Al-shabaab ku yahay dharbaaxo culus, maadaam uu uga dhignaa horjooge aanay sina  uga maarmin, isagoo ahaa horjoogaha ay ka go’aan qorsha iyo talooyinka weerarada la sameenayo iyo halka la weerarayo.

    War-saxaafadeedka Hey’adda NISA ayaa lagu soo gabagabeeyay, in dilka horjoogahan uu uga dhigan yahay Hey’adda NISA, dowladda, shacabka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada Soomaaliya guul taariiqi ah.

    War-saxaafadeedkan Waxaa ku saxiixan Taliyaha Hey’adda NISA Gen C.raxmaan Maxamed Tuuryare.

    SONNA

    Alshabaab Macalin Daa'uud NISA Tuuryare
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRADII UGU DANBEEYAY: WEERARKA HOTEL AMBASSADOR
    Next Article Dabley Alshabaab ka tirsan oo weli ka dhex dagaalameysa Hotel Ambassador

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo