Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»24 ka mida Culimada Somaliland oo Baaq Culus kasoo saaray Xiisadda ka taagan Doorashada

    24 ka mida Culimada Somaliland oo Baaq Culus kasoo saaray Xiisadda ka taagan Doorashada

    May 28, 2022Updated:May 28, 20224 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Culimada Somaliland ayaa baaq culus kasoo saaray xaaladda khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliand iyo xiisadda kacsan ee ka dhalatay Doorashada maamukaasi.

    24 ka mida culimada ayaa baaqooda u kala diray madaxweynaha Somaliland, madaxda mucaaradka iyo dadweynaha maamulkaasi, waxayna qoraal dheer oo ka kooban 10 qodob ku bilaabeen; sida soo socota:

    HOOS KA AKHRISO

    Annaga oo ah Culimada magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, waxa aannu soo jeedinaynnaa maanta oo ay tahay bisha May 28, 2022, baaqan nabadeed:

    1. Waxa aannu bulshada Soomaaliland madax iyo shacabba ugu baaqaynnaa in ay si wadar ah oo guud iyo si gaargaar ah ba u toobad keenaan oo Alle u soo noqdaan si Alle – korreeye – uu culaysyadan iyo dhibaatooyinka jira ee abaaraha ah, sicir bararka ah, xanuunnada ah iyo khilaafkaba inooga dulqaado.

    2. Waxa aannu Madaxda dalka muxaafid iyo mucaaradba ugu baaqaynaa in ay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan oo muranka siyaasadeed qaboojiyaan, suulinta khilaafka iyo yareyntiisana ka shaqeeyaan, si heshiis iyo wax la isla oggolyahay loo gaadho si nabad ah.

    3. Waxa aannu madaxweynaha si gaar ah ugu baaqaynnaa in uu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul, isaga oo ku camal falaya xadiiska Nebiga –scw-

    ( ‏ ما من عبد ترك شيئاً لله إلا أبدله الله به ما هو خير منه من حيث لا يحتسب)

    4. Waxa aannu madaxda mucaaridka ugu baaqaynnaa in ay kicinta bulshada joojiyaan samatalisnimada iyo dulqaadkana fursad siiyaan, si nabad ahna rabitaankooda ku raadsaan, oo aanay xaaladdan xakiran uga sii darin.

    5. Shacabka waxa aannu ku waaninaynaa nabadgelyadaa ina wada deeqdee aynnu si wadajir ah u wada ilaashanno, ogaadana in aanay cidina colaadda iyo rabshadaha ku faa’iidaynnin, belaayadu marka hore way qurux badantahay, marka ay dhacdana way foolxumaataa, inta aanay dhicin aynnu ka wada hortagno.

    6. Waxa aannu si gaar ah ugu naseexaynaynaa qurba joogta in ay bulshadan tabaalaysan u tudhaan oo aanay qabyaalad iyo isku dir ka shaqeynnin, taa beddelkeedana dadaalkooda geliyaan sidii ummaddan wadajirkeeda iyo walaaltinnamadeeda loo xoojin lahaa, waxaannu ku boorrinaynnaa in ay xasilloonida iyo is fahamka bulshada ka qayb qaataan oo aanay kala fogeyntooda ku lugyeelannin.

    7. Warbaahinta waxa aannu xasuusinaynnaa in ay ku dadaalaan in ay faafiyaan wixii bulshadan walaaltinnimadeeda iyo isu soo dhowaanteeda xoojinaya, oo aanay wixii sii kala qaybinaya soo gudbinnin, qaybna ka noqonnin isku dirkeeda.

    8. Culimadu waxa ay caddeynayaan in ay ka shaqeyn doonaan xallinta khilaafka taagan iyo isu soo dhoweynta xisbiyada iyo xukuumadda, iyaga oo kaashanaya, madaxdhaqameedka, ganacsatada iyo dhammaan waxgaradka kale ee daneynaya in ay hawshan ka qayb qaataan.

    9. Waxa aannu culimo ahaan codsanaynnaa mar haddii wixii qorraa lagu heshiin kari waayey in dhexdhexaadintayada la aqbalo, annaga oo khilaafka ku xallin doonna sida sharciga Alle nooga muuqata, maslaxadda guudna danta u ah.

    10. Ugu danbeyn waxa aannu Ilaahay ka baryeynnaa in uu abaarta roob iyo barwaaqo inoogu beddelo, cudurrada, sicir bararka iyo khilaafka oo dhan innaga dulqaado, nabadgelyada inoo xoojiyo, isfahanka iyo isu dulqaadashadana ina waafajiyo.

    Magacyada Culimada:

    1. Sh. Maxamed Cali Geeddi

    2. Sh. Cabdiraxmaan Axmed Awcabdi

    3. Sh. Maxamed Aadan Muxumed

    4. Sh. Cismaan Cali Xuseen

    5. Sh. Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)

    6. Sh. Maxamed Madar

    7. Sh. Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan

    8. Sh. Cabdilaahi Makaawi

    9. Sh. Maxamed. Cabdiraxmaan (Deeq)

    10. Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed

    11. Dr. Khadar Xasan Axmed

    12. Dr. Cabdirahmaan Ismaaciil (Khayre)

    13. Sh. Maxamed Cabdi Carab

    14. Sh. Daahir Aadan

    15. Sh. Ibraahim Axmed Xirsi

    16. Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac

    17. Sh. Cabdilaahi Maxamuud Aadan

    18. Sh. Maxamed Daahir

    19. Sh. Yaasiin Macalin Xuseen

    20. Sh. Mubaarak Muuse.

    21. Sh. Cabdiraxmaan Cumar Cigaal

    22. Sh. Cabdiraxmaan Aadan Cige

    23. Sh. Maxamed Haybe

    24. Sheekh maxamed axmed food

    Culimada Doorashada Somaliland Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMas’uulkii fududeeyay Qarixii Diyaaradii Daallo Airlines oo Geeriyooday ( Sawirro)
    Next Article Askari ka mid ahaa ilaalada Gaarka ah ee Cumar Filish oo Muqdisho lagu dilay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo