Saddex ka mida musharixiintii Madaxweynaha ee qaadacay Doorashadii Galmudug ayaa taageeray madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyagoo ku baaqay midnimo iyo in Galmudug la isu keeno.
Wasiirku dowlihii Arrimaha gudaha ee ahaa musharaxa Madaxweynaha Galmudug C/llaahi Faarax Weheliye ayaa qoraal uu saaray ku sheegay inuu soo dhoweynayo Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, isla markaana uu la shaqeyn doono.
“Anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah”ayuu yiir C/llaahi Faarax Wehliye.
Dhinaca kale Musharax Cabdi C/llaahi Axmed (Cabdi Dheere) ayaa isna soo dhoweeyay Doorashada madaxweynaha cusub ee Gulmudug, isagoo sheegay inuu go’aansaday inuu u tanaasulo maslaxadda guud.
“Waxaan aad u dhaliilsanahay qaabka loo maareeyay doorashada oo runtii ahaa mid aan laga qeyb-gelin saamileyda siyaasadeed ee deegaanka iyo guud ahaan dalka, Si kastaba ha ahaatee waxaan go’aansaday in aan u tanaasulo maslaxada guud, uguna baaqo walaalaha kale in la isku tanaasulo lagana wada shaqeeyo maslaxada guud. Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo daraad loo doortey Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo madaxweyne kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, waxaana eebe uga baryayaa inuu la garab-galo xilka culus iyo howsha balaaran ee u loo igmaday, waxaan kula dardaarmayaa Masuuliyiinta la doortey iney hormuud ka noqdo in dib u heshiisiin sal-balaaran loo sameeyo dadka reer Galmudug meel kasta oo ay joogaan iyo in tabashooyinka jira lagu xaliyo wada hadal” ayuu yiri Cabdi Dheere oo qoraal soo saaray.
Kamaal Guutaale ayaa ahaa musharixii ugu horeeyay ee ka mida xubnihii qaadacay Doorashada oo u hambalyeeya Madaxweyne Qoorqoor [Akhriso Warkan]
Xildhibaan C/raxmaa Odowaa ayaa noqday mushaxa kaliya ee weli ka horjeeda doorashadii Qoorqoor, wuxuuna qoraal uu dhowaan soo riday ku eedeeyay dowladda Federaalka inay kala qeybisay Galmudug.
“Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay. Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.
Wuxuu caddeeyya inuusan dulmi iyo garbaduub muuqda ka noqon doonin marqaati-beenaale, isagoo ku adkeystay in cadaalad daradii uu tartanka uga haray kadib aanay jirin sabab uu hambalyo ugu diro.