Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»3 Qodob oo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u diidan yihiin inay Gacantooda ka baxdo Hay’adda NISA

    3 Qodob oo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u diidan yihiin inay Gacantooda ka baxdo Hay’adda NISA

    September 24, 2021Updated:December 14, 20214 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda Nabadsugigga iyo Sirdoonka ee NISA waxaa tan iyo dowladii Kacaank ahayd hay’ad aanu sharcigu qaban oo nidaamka markaasi joogaa uu adeegsado si uu xukunkiisa ugu adkeysto ama kuwa ka horjeeda ku maquuniyo.

    Dowladihii dalka isaga danbeeyay kadib sanadkii 2000, NISA waxaa lagu guuldarreystay in sharcigeeda dib loo habeeyo oo laga dhigo Hay’ad la saanqaadi karta nidaamka Federaalka ee dalka uu qaatay, waxayna mar kasta gacantiisa ku jiray madaxweynaha xilligaasi jooga, iyadoo tuhunno badan ay hareeyeen shaqadeeda.

    Markii uu talada dalka qabtay Maxamed C/llaahi Farmaajo waxay hay’adda NISA isu bedeshay hay’ad u adeegta Madaxweyne Farmaajo shaqsi ahaan, wuxuuna guud ahaan la wareegay Ogost sanadkii 2018 markii uu Agaasime uga dhigay Fahad Yaasiin, waxaana tan iyo markaas lagu maamulayey iyadoo aanay lahayn agaasime ku xigeeno oo hal shaqsi isku qaatay maamulkii oo dhan.

    Waxay Hay’adda NISA faraha la gashay arrimo siyaasadeed, waxaana loo adeegsaday weerarro lagu qaaday siyaasiyiin iyo maamul Goboleedyo, waxaynasidoo kale qeyb weyn ku yeelatay arrimo doorashada iyo kiisas waaweyn oo dalka dibaddiisa loogu diray ciidamo.

    Iyadoo xilligan xaaladda kala guurka ah lagu jiro, isla markaana la guda galay Doorasho cagajiid ku socota ayaa waxay NISA ku lug yeelatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd Sarkaalad ka tirsan isla Hay’adda NIS oo la waayey, waxaana arrintan darteed khilaaf culus dhex maray Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

    Khilaafkaas ayaa keenay in Ra’iisal wasaare Rooble xilkii ka qaado Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin, taasoo uu markii hore diiday Farmaajo, balse kadib uu aqbalay, waxaase heshiiskii labada Nin kadib ay weli la Hay’adda NISA tahay mid aan lahayn agaasime rasmi ah oo uu si dadban u maamulo Fahad Yaasiin.

    Farmaajo iyo Fahad waxay si weyn ugu dhegan yihiin Hay’adda NISA, iyagoo diidan inuu maamulkeeda soo dhex galo qof ka baxsan shaqsiyaadka ay iyagu wataan, sababaha ugu waaweyn ee aanay farahooda uga bixin karin ama qof u qalma ugu dhiibi karin waxa ka mida:

    1- SIRTA HOGGAANKA FARMAAJO

    Hay’adda NISA waxay heysaa sirta hoggaanka Farmaajo intii uu talada qabtay, siiba saddexdii sano ee ugu danbeysay, waxaana sirtaasi ku jira qaar ay siyaasad ahaan u dhiman karaan ninka loogu yeero milkiilaha dowladda Fahad Yasiin iyo saaxiibkiis Maxamed Farmaajo.

    NISA oo maamulkeeda ka hoos basdo waxay ka dhigan tahay inay xoroobaan saraakiisha Hay’adaasi oo ay soo bandhigaan wixii gudaheeda ka dhacay iyo arrimo hadda qarsoon oo dad badan lama filaan ku noqon doona.

    2- KIISASKA WAAWEYN EE LA TUHUNSAN YAHAY

    NISA waa furaha laga heli karo kiisaska waaweyn ee dowladdii Farmaajo hoggaaminayey ku lug yeelatay, laga soo bilaabo:

    1- Dhiibistii Qalbi-dhagax ee Itoobiya

    2- Xarigii Sheekh Mukhtaar

    3- Kiiska C/rashiid Janan- (Xarigiisii hore iyo heshiiskii danbe)

    4- Qaraxyadii Zoope iyo xarunta Maamulka Gobola Banaadir,

    5- Dilkii Eng. Yariisow iyo kiisas kale oo fara badan oo ku Dhex lumay hay’adaha NISA oo laga soo saari waayey.

    6- Ciidamada Eritrea loogu qaaday tababarka iyo xogta ku wareegsan ayaa ah kiis kale oo NISA gacan ku leedahay, waxaana kiiskan ku qarsoon xog aysan dooneynin saaxiibada Farmaajo inay dadku ogaadaan.

    Inkastoo la burubrin karo dhammaan xogaha iyo raadadka dembiyada lagu galay awoodda Hay’adda, haddana waxaa weli jooga xubno laga yaabo inay runta sheegaan marka xaaladu is-bedesho.

    3- ARRINTA IKRAAN TAHLIIL FAARAX

    Arrinta Ikraan ma aha tan kaliya ee NISA farta lagu fiiqay inay ku lug leedahay, laakiin wuxuu qaraxiyey xaala muddo dheer cakirneyd, wuxuuna soo shaac bixiyey sida NISA u noqotay Hay’ad dowladeed oo dano shaqsiyadeed looga faa’iideystay si ka baxsan sharciga.

    Maqnaanshaha Ikraan iyo in la ogaado xogta ku xeeran waxay ku filan tahay jiritaanka iyo sumcadda NISA, waana tan keentay in baaritaankeeda oo si madax bannaan looga sal gaaro uu caqabad ku noqdo xafiiskii ugu sareeyay dalka ee Villa Somaliya oo markii danbe ku guuleystay inuu kiiska daboolo markii.

    GABAGABO

    Isku milanka danaha shaqsiga ah, awoodda dowladnimo iyo Hay’adaha Sharciga waxay keenaan in la kala garan waayo hanaanka dowladimada u dhisan taha, markaasina la yaab ma laha inay dadku arkaan madaxweyne ka amar qaata agaasime, milkiile dowlad iyo in kiis aad u yar oo cadaaladeed isu bedelo arrin qaran oo madaxweynihii dalka waardiye ka hayo.

    GOOBJOOGE.NET

    Fahad Yaasiin Farmaajo NISA Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda ICJ oo soo saartay Qoraal ku saabsan Dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya (Akhriso)
    Next Article Faahfaahin: Is-miidaamiye isku qarxiyey Albaabka Xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo