Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»4 SANO KA HOR MAANTA OO KALE: Sheekh Shariif oo ka baxay Shirkii Nairobi ee Saxiixayaasha

    4 SANO KA HOR MAANTA OO KALE: Sheekh Shariif oo ka baxay Shirkii Nairobi ee Saxiixayaasha

    August 5, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    4 sano ka hor maanta oo kale waxaa shir ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana shirkaasi ka qeyb galayay hogaamiyeyaal Soomaaliyeed oo la magac baxay saxiixayaashii Tubta Nabadda (Road Map).

    Shirka Nairobi wuxuu ahaa shirkii ugu danbeeyay  shirar xiriir ah oo ka dhacay Adis ababa iyo Nairobi oo loogu gogol xaarayay doorashooyinka ay dowladii KMG ahayd qabanqaabineysay.

    Shirka saxiixayaasha waxaa maanta oo kale 4 sano ka hor  ka baxay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kadib markii ay shirka ka soo daaheen madaxdii kale ee saxiixayaasha oo kala ah Ra’iisal wasaarihii xilligaasi C/weli Gaas iyo madaxweynihii Puntland C/raxmaan  Faroole oo shir u gaar ah galay.


    HOOS KA AKHRI WARKII 5 OGOST 2012

    Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah Sheikh Shariif ayaa maanta (Axad Agoosto 5, 2012) waxa uu ka baxay shirka magaalada Nairobi uga socdey lixda saxiixayaashii Roadmapka.

    Sida laga helay ilo ku dhow goobta shirku ka socdey, waxaa sabab u ahaa ka bixitaanka shirka ee Sheikh Shariif kaddib markii ay Nairobi kulan u khaas ah ku yeesheen ra’iisul Wasaaraha DFKMG  iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.

    Kulanka gaarka ah ee dhexmaray C/weli Gaas iyo C/raxmaan Faroole ayaa ahaa mid sababay in ay muddo ka soo daahaan kulankii kale ee u socdey lixda saxiixayaasha Roadmap-ka, taas oo la sheegay in ka cayaysiisay Sheikh Shariif.

    Waxaa kale oo taas garab socda, sida wararku tibaaxeen, in qaar kamid ah saxiixayaashii Roadmapku ay isku khilaafsan yihiin doorka Ahlu Sunnad iyo Ahlu Sunnah qudhooda oo is khilaafsan, ayadoo xilka madaxweyne ee xukuumadda cusub la doonayo in la magacaabo 20-ka Agoosto 2012..

    Sidoo kale waxaa saxiixayaashu isku khilaafsan yihiin qaabka loo soo xulanayo xubnaha cusub ee soo geli doona baralamaanka iyo waxyaabaha shuruudaha u noqonaya qofka ku soo biiraya baarlamaanka.

    Arrimahaas oo is biirsaday ayaa wararku sheegeen in Shariif ay ku sababtay in uu ka baxo shirka.

    Waxaana markaas Sheikh Shariif ka daba tegey Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey  Mahiga oo isku dayey in uu Sheikh Shariif ku qanciyo, taas oo wararka hordhac ah tibaxeen in uu ku guul daraystay.

    Shirkiina waxa uu u sii socdey shanta ka mid ah saxiixayaashii Roadmapka ayadoo uu Sh. Shariif kamaqan yahay.

    Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif waxa uu markiiba u dhoofay Muqdisho halkaas oo uu gaarey maanta.

    Isha: Somalitalk


    Maanta 5 Ogost 2016

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sii jeeda dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka madaxda dalalka Urur Goboleedka IGAD.

    Shir madaxeedka IGAD oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka IGAD ayaa looga hadlayaa xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo kasii dartay, isla markaana ay colaad cusub dib uga bilaabatay iyo arrimaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha Soomaaliya oo shir adag kula jiray madaxda Soomaalida ee Madasha Qaran, isla markaana xaalad adag ka heysato dowladiisa sidii ay u qabanqaabin lahayd doorashada xilliga kala guurka ah ayaa waxaa loo hakiyay Shirka Madasha ee Muqdisho  ka socday.

    Shirka Madasha ayaa hore loogu qorsheeyay inuu socdo muddo laba maalmood ah, laakiin waxaa muuqata inuu dib u bilaaban doono Sabtida marka uu Muqdisho ku soo laabto Madaxweynaha iyadoo aan la ogeyn xilliga uu qaadan doono.

    Wadani.com


    Inkastoo afar sano laga soo wareegay waqtiga uu madaxweyne Shariif ka baxay shirkii ugu danbeeyay ee saxiixayaasha arrimaha la isku hayo wax badan kama duwa kuwa maanta saaran miiska saxiixayaaasha cusub ee la baxay Madasha Qaran, kaliya waxaa muuqata inuusan khilaafkoodu bannaanka u soo bixin ilaa iyo hadda, madaxweyne Xasan Sheekh aanu shirka ka bixin laakiin uga tegay inuu shir kale ka qeybgalo.

    Waxaa kaloo muuqata in shirku u dhaxeeyo madaxda Soomaalida inta badan, isla markaana goobta lagu shirayo ay tahay magaalada Muqdisho ee aanay ahayn Addis iyo Nairobi.

    Wadani.com

    Muqdisho Nairobi Saxiixayaashii Road-Map Shariif Sheekh Axmed Xasan Sheekh Maxamuud
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/WELI GAAS: “Muddo laba bilood ah ayaa lagu darayaa xilliga Doorashada, Mana jiro….” [DHAGEYSO]
    Next Article Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la dejiyay Garoonka Gaalkacyo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo