Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»5-ta Arrimood ee keenay in la diido Habraacyadii Doorashada ee Rooble & Madaxda Dowlad Goboleedyada

    5-ta Arrimood ee keenay in la diido Habraacyadii Doorashada ee Rooble & Madaxda Dowlad Goboleedyada

    August 23, 2021Updated:August 23, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo baxaya diidmo weyn oo lagala hor yimid Hab-raacyadii kasoo baxay Shirkii ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, 21-22-kii Ogost 2021.

    Arrimaha ay madaxdii shirtay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa, habraacyada dhiirrigelinta daahfurnaanta, maamulka maaliyadda, xulista ergada, amniga doorashada iyo habraaca ilaalinta qoondada haweenka.

    Habraacyada lasoo saaray waxaa ka mida ah Shan Qodob oo dhaliyey mugdi iyo inay diidaan Midowga musharraxiinta, waxayna kala yihiin.

    1 – Xulista ergooyinka Golaha shacabka iyo kooramka

    Madaxda Golaha Wadatashiga waxa ay isku raaceen in ergada doorashada ee 101-da ah ee dooranaya xildhibaannad Golaha Shacabka, ay soo xuli doonaan odayaasha dhaqanka ee ka diiwan gashan dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo ugu dambayntana ay hubin doonaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad goboleed.

    Arrintaas waxay meesha ka saaraysa dowrka odayaashii 135-ta ahaa ee ka diiwaangashanaa heer federaal kuwaas oo udub dhexaad u ahaa doorashadii Soomaaliya ee middan ka horraysay.

    Qodobka kale ee doodda dhaliyay waa in xubnaha bulshada rayidka ee ka mid noqonaya ergada ay soo xuli doonaan Guddiga Doorashada ee heer maamul goboleed, arrintaas oo dadka heshiiska naqdinaya ay ku doodayaan in maamul goboleedyada ay ku takri fali karaan awooddaas.

    Ergadaas waxaa ugu dambeyn hubinaya guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo Banaadiriga, halka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu kor joogtaynayo qodobkaas.

    Qodobka kale ee doodda dhaliyay waxaa midka la xiriira kooramka codbixinta ergada oo ay madaxda ku sheegeen inuu ansax ku noqonayo marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ka mid ah ergada.

    Arrintaas waxaa dood ka muujiyay qaar ka mid ah jifooyinka wadaaga kuraasta, iyagoo sheegay in “ciddii aanan hannaanka ku qanacsanayn si fudud loogaga tegi karo.”

    2 – Amniga Doorashada iyo Sirdoonka maamul goboleedyada

    Sida ku cad heshiiska ka soo baxay shirkii labada maalmood u socday madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble; waxay ku isla qaateen in la diyaariyo ciidan u gaar ah amniga doorashada ee dhammaan goobaha ay ka dhacayso, iyadoo guddiga amniga doorashada ay tahay in uu diyaariyo qorshaha hawlgalka lyo miisaaniyadda amniga doorashada.

    Guddigu wuxuu qaadayaa khidmada warqada dambi la’aanta ee musharaxiinta iyo ergada, iyadoo musharrax kasta ay tahay inuu bixiyo $750, halka musharixiinta dumarka ah ay bixin doonaan kala bar kharashkaasi.

    Sidoo kale, khidmada warqada dambi la’aanta ee ergada waxaa looga qaadayaa $30 qof kasta.

    Ciidammada maamul goboleedyada ayaa baari doono musharraxiinta iyo ergada, halkaas oo ciddii ay u gartaan in aanay dambi lahayn ay siin doonaan shahaado caddeyneysa, halka ciddii ay u arkaan in ay dambi gashayna ay awood u leeyihiin in ay liiska ka reebaan doorashada ama ergada ka reebaan.

    3 – Maamulka Dhaqaalaha Doorashada

    Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan guddiga maamul dhaqaalaha doorashada oo ka kooban heer federaal, heer maamul goboleed iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

    Heshiiska waxa uu dhigayaa in la furo hal xisbaab bangiyeed oo guddigaas uu leeyahay, iyagoo dejin doono qoondada kharashaadka doorashada ee heer maamul goboleed.

    Arrintaas oo qaar ka mid ah dadka naqdiyada siyaasadda Soomaaliya ay ka digayaan in kharashka doorashada loo adeegsado si aan habboonayn amaba lagu takri falo.

    4 – Kaalinta Guddiga Doorashada heer Federaal

    Sida ku cad heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa u muuqdo in dhinaca lagaliyay.

    Heshiiska soo baxay xalay kuma cadda dowrka guddiga heer qaran, waxaana lagu koobay kor joogtayn iyo bixinta shahaadada heer federaal ee xildhibaanka la soo doorto oo keli ah, iyadoon meelnaba aanan looga sheegin kaalinta ay ka qaadanayaan xulista ergada iyo doorashada xildhibaannada.

    Dhawaan ayey aheyd markii guddigaasi uu soo saaray habraaca doorashada Golaha Shacabka, taas oo ay ku caddayd in odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah ay leeyihiin awoodda soo xulista ergada doorashada, middaas oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah isla guddigaasi.

    Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda maamullada iyo Gobolka banaadir, waxay u muuqdaan in ay habraacaasi iska indha tireen, ayna mid hor leh oo u gaar ah keeneen.

    5 – Awoodda la siiyay madaxda Maamul Goboleedyada

    Markii la darso heshiiska ay Habraacyada Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, waxaa soo baxaysa in inta badan qodobadda heshiiskaasi uu awoodda doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka, gacanta u galiyay madaxda maamul goboleedyada.

    Qodobbada sida wayn loo soo qaadayo waxaa ka mid ah in madaxda maamul goboleedyada ay leeyihiin awoodda soo xulista bulshada rayidka ah, iyo in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada kale ay yihiin kuwa u diiwaangashan maamul goboleedyada, arrintaas oo ay saamayn badan ku yeelan karaan.

    Ammaanka doorashada iyo baaritaanka ergada iyo musharraxiinta ayaa ah qodob kale oo madaxda maamul goboleedyada ay awood u leeyihiin gacan ku hayntiisa. Waxaa kale oo qeyb ay ka yihiin maamulka miisaaniyadda doorasshada ay awood ku leeyihiin.

    Doorashada Madaxda maamul Goboleedyada Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDaalibaan oo isku hareereeyay Dooxo ay isku urursadeen Koox ka horjeeda iyo Ciidamada Dowladii la riday
    Next Article Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo