Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Somaliland oo War kasoo saaray Dagaalkii Tukaraq & Faahfaahinna ka bixisay Qasaaraha ka dhacay [Akhriso]

    Somaliland oo War kasoo saaray Dagaalkii Tukaraq & Faahfaahinna ka bixisay Qasaaraha ka dhacay [Akhriso]

    May 15, 20182 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee dhex maray ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Puntland.
    Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa Qoraal dheer oo uu saaray ku sheegay in Ciidamada Somaliland ay jab gaarsiiyeen ciidamadii soo duulay ee Puntland.

    QORAALKA HOOS KA AKHRISO

    Sida laga yaabo inaanay dadwaynaha reer Somaliland ka warqabin ciidanka maamulka cagajiidka ah ee soomaaliya ayaa shalay oo ay bishu ahayd 14-kii May dhanka koonfureed ee magaalada Tukaraq kaga soo qaaday weerar ciidankanka Qaranka JSL ee uu fadhigiisu yahay jiidda hore. Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL waxa la gaadhsiiyey dhirbaaxo kulul oo cashar u noqon karta maamulka Soomaaliya ee daandaansiga ka wada deegaannada Somaliland.

    Iyaga oo ka faa’iidaysanaya maalinta dabaaldegga xuska sannad guuradii 27 aad ee qaranimada Somaliland ayay haddana saaka abbaaro todobadii subaxnimo weerar dhanka bari iyo dhanka koonfureedba kaga soo qaadeen ciidanka Qaranka JSL. iyaga oo aan ku xisaabtamin in ciidanka Qaranka JSL dhinacna uu dabbaaldeg ka wado dhinacna uu heegan u yahay difaaca qaranka, waxaana halkaa lagu gaadhsiiyey ciidankii nacabka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalkaas oo soconayey 5 saacadood waxaa nacabka laga gubay tikniko badan, iyada oo gacanta lagaga dhigay shan baabuur iyo hal taangi, waxa kale oo gacanta lagaga dhigay maxaabiis farabadan, waxaana dib looga qabsaday halkii ay ka soo hinqadeen.

    Haddaba, waxaanu caalamka nabadda jecel u sheegaynaa in aanay waxba ka jirin wararka ku-tidhi ku-teenka ah ee uu Taliska taagta daran ee Soomaaliya warbaahinta ku sheegay in ay Somaliland weerarka ku horaysay.

    Ugu danbayntii, dawladda Somaliland waxa ay caddaynaysaa in ay soo dhawaynayso deris wanaagga iyo nabad kuwada noolaanshaha dalalka deriska. Hayeeshee mar kale u dulqaadan mayso daandaansi, xasarad iyo xad gudub joogto ah oo lagula kaco dadka iyo dalka JSL.

    Dagaal Guri Barwaaqo Somaliand Somaliland Tukaraq
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQasaarihii ugu badnaa oo ka dhashay dagaalkii Tukaraq [Tirada dhimasha & Gaadiid la kala qabsaday]
    Next Article Wasaaradda Diinta Dowladda Somalia oo shaacisay inaysan Berri ahayn maalin Soon, kadib markii…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo