Maamulka Jubbaland ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada maamulkaasi kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu ku hadlayo qaab beeleed una hanjabay beel ka mida beelaha Soomaalida Itoobiya.
Korneyl Mukhtaar Maxamed Badal Gaboose ayaa si aan hore loo arag uga hadlay dilkii kadhacay magaalada Qabridahare ee lagu dilay gabadhii lagu magacaabi jiray Taysiir Cumar Food, wuxuuna si beelnimo ah oo fool xun u tafsiiriyey arrinta dilka ka dhacay Qabri-dahare, isagoo ku baaqay beel ka mida beelaha in meel kasta lagu dilo.
Ciidamada Booliiska ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saaka xabsiga u taxaabey Mukhtaar Badal Gaboose, kaasoo isagoo ku lebisan direyska Ciidamada Jubbaland aflagaado beeleed ku kacay.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Mukhtaar dhowaan la horkeeni doono Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Jubbaland.